Expand Menu Close Menu
Telephone: 1800 677 342

Make a Complaint in Somali

Download Somali brochure (PDF, 466KB)

Sida loo sameeyo cabashada ku saabsan adeegaaga taageerada iinta.

Mararka qaarkood dadku kuma faraxsana wax ku saabsan adeegga taageerada iinta.

Waxaad u sheegi kartaa Komisaariyaha Adeegyada Iinta (Disability Services Commissioner: Waa haya’d ka madaxbannaan dowladda oo la shaqaysa dadka iinta qaba iyo adeegyada iinta si loo xalliyo cabashooyinka) haddii aad doonayso inaad cid kala hadasho wax ku saabsan adeegga taageerada iinta halkan Victoria. Waxaad kaloo ka codsan kartaa qoyskaaga ama saaxiibkaaga inay kaa caawiyaan inaad nala hadasho.

Waxaan kaala shaqayn doonaa adiga iyo adeegga taageerada inaad si wacan wax u wada qabataan. Adeegayagu gebi ahaanba waa lacag la’aan oo ka madaxbannaan dowladda iyo adeegyada kale.

Dadka qaarkiis waxay u baahan yihiin turjumaan si ay ugu hadlaan luqad aan Ingiriisi ahayn markay nala hadlayaan. Waxaan u diyaarin karnaa turjumaan lacag la’aan ah.

Nala hadal anaga:

  • Naga soo wac 1800 677 342 ama soo buuxi foomka hoose. Noo sheeg haddii aad doonayso turjumaan. Waan ku soo wici doonaa anagoo adeegsanayna turjumaan.

  • Noo sheeg waxa aadan ku faraxsanayn.

  • Waxaanu wadajir u go’aamin doonaa wixii kale oo aan qaban karno.

Level 30, 570 Bourke Street,

Melbourne, Victoria, 3000 Australia

Call for enquiries or complaints - 1800 677 342

Email for enquiries or complaints - complaints@odsc.vic.gov.au